AMISOM oo lagu wareejiyey Deeq Daawooyin loogu talagalay Dadka Barakacayaasha.

Urur Samafal oo ka dhisan dalka Maraykanka waxay Deeq Daawo ku wareejiyeen Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, si loo gaarsiiyo dadka Barakacayaasha ee ku nool Deegaanka Nambar 50 ee Gobalka Sh/Hoose.

Munaasabad ay Ururka Deeqda bixiyey oo lagu magacaabo “Give to the World” ku wareejinayeen Deeqdaasi ayaa waxaa lagu qabtay Xarumaha Qeybta Koowaad ee Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin magaalladdan Muqdsiho.

Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta 1-aad ee Hawlgalka AMISOM, Kolonel Ismaaciil Sendagire oo lagu wareejiyey Deeqda Dawo waxa uu tilmaamay inay Deeqdaasi lagu taageeri doono Rugaha Caafimaadka ee AMISOM ee Nambar Konton, si loo xaqiijiyo, loona xoojiyo Daryeelka Caafimaadka ee la siinayo dadka Barakacayaasha iyo kuwa danta yar ee ku nool Deegaankaasi.

Deeqda Daawo ee uu Ururka Samafalka Maraykanka ugu deeqay dadka Barakacayaasha ku nool Deegaanka Nambar Konton waxaa ka mid ah Daawooyinka loo isticmaalo Ka-hortaga Fuuq baxa, Qufac, Cuncunka ama Xasaasiyadda, Calool-jilcinta, Daawada Ka-hortaga Macaanka ama Sonkorta, fitimiino iyo Qalabka Baaritaanadda Degdegga ee dheecaanada Jirka, sida Kaadida iyo Saxarada.

Xigasho: PML Daily