Wiil Canadian ah oo farriin u diray Soomaalida caalamka ku firirsan + VIDEO

Magaalada Otowa ee wadanka Canada waxaa degan wiil majaajiliiste ah oo hadana ku hadlaya luqadda saxda ah ee Soomaalida, kaasi oo qosolka ka guray koox dhallinyaro ah cadaan iyo madow isugu jira.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Yaasiin hooyadiina waa cadaan, wuxuuna sheegay dhaqanka Soomaalida wax badan uga fiican yahay cadaanka.

“Soomaalida caalamka joogta waxaan u sheegayaa luqadiina ku dhegenaada hooyadiin cunee” ayuu yiri Yaasiin oo sheegay isagu inuusan dalka Soomaaliya, balse uu la joogo aabaha dhalay hooyadiis.

Waxa uu sheegay inuu aad ula yaabay Soomaali ku dhashay dalkooda ee Canada tagtay inay lumiyeen ku hadalka afkooda hooyo iyagoo ka door biday luqada Ingiriiska.