Sarkaal ka tirsan NISA oo xalay ka badbaaday Weerar ka dhacay Guri-ceel.

Bam-gacmeed ayaa waxaa lagu weeraray guriga Sarkaal ka tirsanaa Saraakiisha Hay’adda NISA ee DG Galmudug ku degganaa Xaafadda Bilan ee Degmadda Guri-ceel ee Gobalka Galgaduud.

Weerarkaasi oo dhacay Fiidnimadii xalay waxa uu burbur u geystay Derbiga Guriga, iyadoo uu Sarkaalkaasi iyo Ilaaladiisa ka badbaadeen weerarkaasi, lamana soo sheegin wax dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarkaasi.

Sarkaalka la weeraray ayaa lagu magacaabaa Kolonel C/llahi Cabdi Raage, kaasi oo ka tirsanaa Saraakiishii Ahlu-sunna ee ku biiray Ciiddanka Dowladda.

Sarkaalkaasi waxa uu horey u ahaa Taliyihii Ciiddanka Khaaska ee Madaxii Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Shaakir, waxa kale oo uu ahaa Sarkaalkii qabtay Ninkii Weerarka Is-qarxinta ee bishii May 23-dii ee sanadkii hore lala maaganaa munaasabad Baroor-diiq oo lagu qabtay Degmadda Guri-ceel.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarkii Bam-gacmeedka ee xalay ka dhacay Guri-ceel ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu horeeyey ee Degmadaasi ka dhaca tan iyo sanadkii 2008-dii.