Naadiga K/cagta dekedda Muqdisho oo la guddoon siiyay abaal marin lacageed.

Naadiga isboortiga dekedaha ayaa la guddoonsiiyay abaal marin lacageed kaddib markii guulo la taaban karo ay ka gaareen tartamada ciyaaraha kala duwan ee dalka.
Guddoomiye ku xigeenka xiriirka K/cagta Soomaaliya Cali Shiino ayaa lacag dhan 150m shilin Soomaali ah oo u dhiganta $6000 (Lix Kun Dollar waxa uu guddoonsiiyay xoghayaha naadiga dekedda Muqdisho Cabdullaahi Bashiir Nuur (Kuwataro),
Waxa uu sheegay Cabdullaahi Bashiir in saddexdii sano ee u dambeysay
Hoggaanka u hayeen horyaalka K/cagta Soomaaliya isla markaana sandkan ay galeen kaalinta labaad.
“Saddexdii sano ee ugu dambeysay Naadiga dekedaha waxa uu hoggaaminayay horyaalka Soomaaliya, sanadkaana kaalinta labaad” ayuu yiri Xoghaye Cabdullaahi Bashiir oo sheegay in abaal marintaan ay sare u qaadeyso horumarinta naadiga.
Naadiga isboortiga dekedda Muqdisho ayaa ka mid ah naadiyada ugu waaweyn ee dalka ka jira, isla markaana heysta ciyaar khibradoodu aad u sareyso, wuxuuna xoghaye Cabdullaahi Bashiir sheegay inay ku rajo weyn yihiin k99ooxaha k/cagta iyo Koleyga inay cagta saaraan wadada guusha.