Faahfaahin ku aadan Weerar is-qarxin oo lala beegsaday Xero Milliteri oo ku taalla Muqdisho.

Dayanka qarax xooggan ayaa waxaa barqanimadii maanta laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobalka Banaadir, iyadoo Uuro madow cirka isku shareeray.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Gaaro miineysan lagu weeraray Xero ay Ciiddanka Guutada 12-aad ee XDS ku leeyihiin nawaaxiga Garoonka Stadium Mogadisho iyo Xaruntii hore ee Xisbiga ee Dowladii Kacaanka.

Warar kooban ayaa laga helayaa Khasaaraha ka dhashay Is-qarxintaasi, waxaana la soo weriyey dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Ciiddamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaana xiray dhamaan Waddooyinks soo gala Xerada u uqaraxu ka dhacay, waxaana la arkayey Gaadiidka Gurmadka oo daabulayey dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi.

Hay’addaha Ammaanka ee DFS weli wax war ah kama soo saarin Faahfaahinta khasaaraha ka dhashay Qaraxa maanta ka dhacay magaalladda Muqdisho.