Ethiopia oo u digtay Somaliland, kana hortimid inay Masar Saldhig Milliteri ka dhisataan Somaliland.

Dowladda Ethiopia waxay mar kale si cad uga hortimid qorshaha ay Dowladda Masar ku doonayso inay Saldhig Milliteri ka dhisataan Somaliland, si khatar loo geliyo Danaha iyo Deganaanshaha Ethiopia.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Dina Mufti oo shalay Shirkiisa Jaraa’id ee Toddobaadlaha ah ku qabtay Addis Abeba waxa uu tilmaamay inay Masar tahay Waddan Madax-bannaan oo Xaq u leh inuu Xiriir la yeesho dal kasta oo ku yaalla Mandiqadda Geeska Afrika, balse, waxa uu ka digay inuu Xiriirkaasi ku yimaado mid waxyeello loo geysanayo Degananaanshaha Ethiopia.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay Dowladda Ethiopia si dhow ula socon doonto horumarada socda, wuxuuna Maamulka Somaliland uga digay inay arrintaasi khad cas u tahay Ethiopia.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Dina Mufti waxa uu Carrabka ku adkeeyey inay Ethiopia doonayso inay Xiriiro Saaxiibtinimo la yeeshaan Somaliland, inkastoo aan loo aqoonsanin dal madax bannaan, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxaa dhawaanahan jiray warar sheegaya inay Dowladda Maraykanka ku hawlan tahay sidii ay Saldhig Milliteri ugu yeelan lahaayeen Somaliland oo horey u sheegatay inay ka go’een dalka Somalia, balse weli ma aysan helin Ictiraaf Caalami ah iyo in lo oaqoonsado dal madax bannaan.

Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ee July, Wafdi ka socda Dowladda Masar waxay booqasho ku tageen magaalladda Hargeysa oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Maamulka la-magac baxay Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kana wada hadleen sidii ay Masar Xero Milliteri uga dhisan lahaayeen Somaliland.

Qaar ka mid ah Xeel-dheerayaasha ayaa sheegay in Tallaabadda Dowladda Masar ay tahay Tallaabo ay kaga fal-celinayso Somalia oo ah dal Ethiopia ku taageeray Xuquuqda Webiga Niil, xilli ay Dowladaha Masr iyo Ethiopia weli isku khilaafsan yihiin Biyo-xireenka Dib-u-curashada Ethiopia ka dhisanayso Webiga Niil ee laga dhalin doono Quwad Koronto.