Al-Shabaab oo sheegatay inay ka dambeeyeen is-qarxintii lala beegsaday maanta Xero Ciiddan.

Ugu yaraan 8 Askari iyo qofkii geystay Is-qarxinta ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Weerarkii Is-qarxinta ee gaariga loo adeegsaday ee lala beegsaday Xero Ciiddan oo kaabiga ku haysa Garoonka Mogadishu Stadium ee bishii hore dib loo furay.

Wararka qaarkooda waxay sheegayaan inay Ciiddankii Ilaaladda ka ahaa Xeradaasi rasaaseeyeen Gaariga, ka hor inta uusan ku qarxin Bar Kontorool oo laga galo Xeradaasi.

Alshabaab waxay shaaciyeen inay ka dambeeyeen Weerarkii Is-qarxinta ee maanta lagu qaaday Xerada Ciiddan ee ku taalla Xaruntii hore ee Curyaaminta ee u dhow Garoonka Istaadiyam Muqdisho.

Afhayeenka Hawlgallada Milliteri ee Alshabaab, C/casiis Abu Muscab oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu sheegay inay fuliyeen Hawlgal Shahiidnimo oo lagu guuleystay oo ay ku qaadeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray inuu weerarkaasi geystay  khasaaro isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo gaadiid Milliteri oo la burburiyey.

Xeradda Ciiddan ee saakayto lala beegsaday Is-qarxinta waxaa ku sugan Ciiddamo ka tirsan Guutada 27-aad ee ka hawlgala Gobalka Sh/Dhexe.

Dhinaca kale, Hay’adda Gaadiidka Gurmadka ee Amiin Ambulance waxay xaqiijisay inay ugu yaraan 8 qof ku geeriyootay Weerarkaasi, halka 14-kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale, Hay’addaha Ammaanka ee DFS weli kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi oo noqonaya Kii 2-aad ee ay Alshabaab ka geystaan Xero Ciiddan.

Alshabaab waxay isbuucii hore weerareen Xero ay Ciiddanka Dowladda iyo kuwa DG K/Galbeed ku leeyihiin Deegaanka Daynuunaay ee duleedka magaalladda Baydhabo, iyadoo iska-horimaadkaasi lagu dilay dhowr qof oo uu ku jiray Taliyihii Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad ee Ciiddanka XDS.