Shariif Sheekh Axmed oo isagoo Muqdisho ku sugan ka qeyb galay shir caalami ah

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ka qeyb shir caalami ah oo looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka Soomaaliya, gaar ahaan khatarta kooxaha argagixisada ah ku hayaan.

La soco warar kale oo dheeraad ah

Shirka oo ahaa mid loo adeegsaday aaladda fogaan aragga ayaa waxaa kale oo ka qeyb galay khubarro iyo diblomaasiyiinta dalalka Afrika, waxaana soo qaban qaabisay hay’adda Mareykanka laga leeyahay oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano ACTRI.

“Waxaan ka hadalnay arrimaha amniga Soomaaliya iyo xaaladaha la xiriira, anigoo warbixin kasiiyay marxaladda adag ee maanta Soomaaliya ka jirta iyo khatarta kooxaha argagixisada” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in dowladda federaalka aanay xil gaar ah iska saarin ka takhalusida iyo cirib tirka kooxahaasi.

Shariif Sheekh ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada sheegay inay nasiib daro tahay in dowladda Soomaaliya aanay lahayn mudadii ay joogtay qorshe siyaasadeed amni oo damaanad qaadaya muwaadinka isla markaana sahlaya in argagixisada si dhab ah looga hortago.