Ciidanka Kumaandoska DANAB oo howlgal ay fuliyeen ka xureeyay Al-Shabaab deegaan hor leh.

Howlgal Ciidamada Kumaandooska xoogga Dalka ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaashes Lafaha Ragga oo u dhow birta dheer islmarkaasna magaalada kismaayo Gobolka Jubada hoose u jira 60 KM ayaa Saraakiisha Howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen inay la waregeen Degaankaas.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ururka 5-aad ayaa Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin uu sheegay inay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Dhanka kale wuxuu sheegay inay Ciidamada sii wadi doonaan howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab si ay uga saaraan deegaannada ay Maamulaan ugana hortagaan Weerarada ay Fuliyaan.