Dhallinyaro Muqdisho ku shiray oo qodobo muhiim ah soo saaray

Dhallinyarada beesha Yuusuf Galmaax ee degta degmada Raagaceelle oo ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe ayaa ka dhacay maalinimadii shalay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid degdeg ah ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii loo horumar lahaa adeegyada asaasiga ah ee degmada Raagaceelle sida waxbarada iyo caafimaadka.

Dhallinyarada beesha yuusuf Galmaax oo kulan xasaasi ah ku yeeshay hotel coconut ayaa waxee ugu hadleen sedex qodob oo aad u muhiim u ah:
1-wax barasho
2-caafimaad
3-biyo nadiif

Sedexdaas qodob ayaa ah mid nolosha aas aas u ah aadanahana muhiim u ah, dhallinyaradaan ayaa ku gorfeysay kullanka baahiyaha deeggaanada ka jira in ee ka go’antahay sidii deeggaankooda u gaarsiin lahaayeen adeegyada bulshada.

Sidoo kale kulanka waxaa diirada lagu saaray sidii midnimada beesha loo xoojin lahaa dhalinyarada beesha si ay qeyb uga noqon lahaayeen ololaha caafimaad ee lagu badbaadinayo bulshada degmada Raagaceelle.

Waxey meesha ku doorteen hoggaan cusub iyo in la sameeyo mabaadi iyo ahdaaf uu yeesho ururka dhalinyaradaan waxeyna ku dhawaaqeen in tilaabada koowaad noqoto dhismaha isbitaal iyo MCH laga yagleelo deeggaanka Raage ceelle

Magaca ururka ayey isku waafaqeen inuu noqdo midowga dhalinyarada Muuse Yuusuf.