SHIRKA MUDULOOD. (XUQUUQ RAADIN MISE XUSUL DUUB SIYAASADEED)

Waxaa maalintii saddexaad galay shirka loogu magacdaray wadatashiga MUDULOOD, kaasoo sida uu ku bilowday aan u muuqan mid ku saleysan aragti wadatashi iyo in xal waara laga gaaro mushkiladaha dhaqan-dhaqaale iyo kuwa bulsho ee beeshan la degay sannooyinkii la soo dhaafay.
Ugu horeyn waxaa shirka qudabdo laga siiyey siyaasiyiin xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka iyo qaar haatan ka tirsan golayaasha ama xilal ka haya dawladda hadda jirta kuwaasoo aad arkeysay in mid waliba uu hadaljeedintiisa diiradda ku saaray meeshii isaga u muhiimsaneyd, waxaana markiiba laga deeramay kala fakar duwanaashaha siyaasadeed ee iyaga ku kala dhexjira. Laakiin waxaa xusid mudan hadalkii Madaxweyne WAARE oo fariintiisu ay dhinac kale oo loo baahnaa iftiimisay isagoo si kooban aadna u xirfadeysan dadkii meesha soo buux dhaafshay u tusay in degaanadoodii iyo dadkoodiiba ay dayaceen.

Shirka oo dhawr jeer oo hore qabsoomidiisa dib loo dhigay sababo la xiriiri ajandaha shirka iyo cidda ay tahay in ay madasha hogaamiso ayaa ugu dambeyn la isku waafaqay in culimadu noqdaan hogaanka shirka lagana fogaado wax kasta oo carqalad abuuri kara burburna u keeni kara in shirku guuleysto. Dhinaca kale.

Waxaa aad ugu dadaalay taabagelinta shirkan qurbo joogta beesha oo aad u xamaasadeysan iyo guddi ka kooban 25 xubnood oo gudaha joogay lana yimid dhabar adeyg iyo samir dheeraad ah.
Shirka oo ay yar tahay rajada laga filan karo marka loo eego dhibka MUDULOOD u gaarka ah ee aanay Somali kale la qaban ee ay tahay inuu shirka gorfeeyo kana soo saaro go’aano dawo u noqda mushkiladahaas ay beesha la daalaa dhaceyso, ayaa ku soo dhamaan doona iyadoo intooda badan ama kuwooda ugu muhiimsan aan xitaa la soo hadalqaadin.

Ugu dambeyn waxaynu ka dharagsanahay in ummaddaan ama beeshan ay ku nooshahay degaan balaaran oo xiriirsan ka soo bilow koonfurta gobolka Mudug ilaa goblka Sh.hoose dhibaatooyinka heysta kuwooda ugu culus waxaan ka tilmaami karnaa.
1- Degaanada MUDULOOD ma laha Waddooyin hagaagsan oo la adeegsan karo.
2- Waxaa daadsan Isbaarooyinka ugu badan ee dadka lagu furto laguna dhibaateeyo.
3- Ma jiro amni la isku haleyn karo.
4- Kama jiro hal mashruuc horumarineed.
5- Dagaal beeleedyo joogta ah oo aan xal laga gaarin.

Kuwaasoo iyo qaar kale oo badan ayaan is leeyahay waa culeysyada ugu badan MUDULOOD maanta heysta, iyadoo ay nasiib daro tahay in shirku indhaha ka qabsado arimahaas aan soo tilmaamay uuna abuuro loolan siyaasadeed cusub oo hor leh marka ay timaado maamul u sameynta gobolka Banaadir taasoo dad badani halheys ka dhigtaan in shirka ujeedada iyo muhiimadda loo qabtay ay tahay arintaas.

Mohaned Abdi Alifley