Madaxweyne Qoorqoor oo si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga.

Madaxweynaha DG Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” iyo mas’uiuliyiin kale oo la socotay ayaa gaaray magaalladda Ganacsiga ee dalka Turkiga ee Istanbuul.

Wafdiga waxaa soo dhaweeyey Danjiraha Soomaaliya u joogo dalkaasi, Diplomaasiyiin, Guddoomiyaha Jaalliyadda Soomaalida deggan dalkaasi iyo qaar ka mid ah dadka Soomaalida ee ku nool dalkaasi.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug oo aan ujeedada Socdaalkiisa la shaacinin waxa la filayaa inuu kulamo la qaato qaar ka mid ah Madaxda iyo Ganacsatada dalkaasi, si uu ugala hadlo Iskashiga Turkiga iyo Galmudug, gaar ahaan Hirgelinta Mashaariicda Horumarineed.

Ma kala cadda muddada uu joogi doono dalka Turkiga, balse, waxa uu ka soo laaban doonaa maalmaha soo socdo, si uu u ambaqaado dadaalkiisa ku aadan Qabanqaabadda Shirka Wada-tashiga ee Dhuusamareeb 3 ee ay Madaxda DF iyo kuwa Dowlad-gobaleedyada ku madalsan yihiin bishan Agost 15-da, si loo sii ambaqaado Xal-u-helida Go’aan loo dhan yahay oo laga gaaro Nidaamka Doorashooyinka soo socda.