Gudoomiye Cabdi Xaashi oo Madaxweynaha ugu baaqay inuu baaris ku sameeyo wax ka bedelka uu ku eedeeyay Golaha Shacabka.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa dalbaday in baaritaan deg deg ahi lagu sameeyo wax ka bedel uu sheegay in lagu sameeyay Xeerka Maareynta  Maaliyadda Guud.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa War Saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka, ay wax ka bedel ku sameeyeen qodobka 27aad ee Habraaca Dhaqangelinta Xeerka Maareynta Maaliyadda Guud.

Gudoomiyaha ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay in baaris deg deg ahi uu ku sameeyo wax ka bedelka uu ku eedeeyay Golaha Shacabka.