Burcad Hubaysan oo dalka K/Afrika ku dilay Ganacsade Soomaaliyeed.

koox Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaasi waxay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomalaida Ganacsiyada waaweyn ku leh dalkaas, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Muwaadinkaas Soomaaliyeed ayaa lagu Magacaabi jiray Faarax Weyd ayaa Kooxda Burcadda ah waxay ku dileen goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Magaalada Durban Ee Dalka Koonfur Afrika, isaga oo u geeriyooday dhaawac culus oo ay Burcadda gaarsiiyeen.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool Magaalada Durban Ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in gurmad ay u sameeyeen muwaadinka Soomaaliyeed oo Kooxda Burcadda ah ay doonayeen inay dhac u geystaan,isla markaana ay ka badbaadiyeen walow Kooxda Burcadda aheyd ay muwaadinka Soomaaliyeed dileen.

Ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Afrika ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo badi markii ay dilalka dhacaan sameeya howlgallo walow aysan ku guuleysan inay qabtaan Kooxaha dilalka u geysta Soomaalida.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanad walba dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda loogu geystaa dadka Ajaanibta ah oo ay Soomaalida u badan tahay, waxaana ilaa iyo hadda jirin cid isku howshay inay Ganacsatada Soomaalida ah badbaadiso.