Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo Muqdisho ka furay kulan weyne aan caadi ahayn (Faahfaahin)

Iyadoo isticmaalka shilinka Soomaaliya qarka u saaran yahay inuu dabar go’o ayaa bankiga dhexe ee dalka waxa uu qabtay kulan weyne sanadkiiba mar la isugu yimaado, oo ay ka qeyb galeen madax iyo dadweyne ayaa ka dhacay hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ay ka qeyb galeen madax ka tirsan bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa looga hadlay howlaha horyaala bankiga dhexe, waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii uu dib u howl galay iyo waliba qorsheyaasha u degsan.

Maryan Cabdullaahi Yuusuf guddoomiye ku xigeenka bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixisay adega banki ee dlka oo soo maray marxalado kala duwan, iyadoona weyn ka muujisay ka miradhalinta howlaha horyaalla.

“Aniga iyo dhallinyaro badan oo Bashiir Ciise ka mid ahaa waxaa naloosoo tababaray sidii aan gaalada ugala wareegi lahayn bankiga” ayay tiri Maryan Yuusuf oo sheegtay inay haatan howsha wadaan dhallinyaro jaamiciyiin ah.

C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan ayaa ku nuux nuuxsaday qodobo dhowr ah oo lagamamaarmaan u ah howlaha horyaalla sidii loo wajihi lahaa.

“Waa inaan is xusuusino inay jiraan waxyaabo badan oo aanu qabanay inay intii aan aniga joogay iyo guddoomiyihii iga horeeyay ee Bashiir” ayuu yiri guddoomiye C/raxmaan Maxamed oo sheegay inay jiri doonaan tababaro kor loogu qaadayo khibradda adeegga bankiga iyo nidaamka maaliyadda dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo waqtigeeda gabaabsiga yahay ayaa juhdi fara badan gelisay sidii uu dib ugu soo kaban lahaa hannaanka maaliyadeed ee dalka, iyadoo bankiga adduunka iyo hay’adda lacagra IMF si cad u qureen inuu kobcayo dhaqaalaha dalka.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli noodka kunka shilin Soomaaliga ah oo ka haray lacagtii dalka laga isticmaali jiray gebi ahaanba isticmaalkiisa meesha baxayo.

Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Beyle Ducaale ayaa horay u soo bandhigay noodad lacag cusub ah oo ka bilaabaneysa 5000 iyo 10,000 Sh.So. inkasta oo aan la ogeyn ilaa iminka caqabadda ka heysata inay ka saarto ciriiriga isticmaalka kunka shilin ee duugoobay.

Inta badan dalka Soomaaliya waxaa tobankii sano ee ugu dambeysay ku sii kordhayay isticmaalka taleefanka la isaga diro oo u badan lacagta dolarka Mareykanka marka laga maamulka Somaliland oo isagu shirkadaha ka howlgala ku qasbay in dollarka lagu bedelo Somalilan Shilin.

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

Email: saxafi37@gmail.com