Al-Shabaaboo xalay weerar ku qaaday degaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Marka.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen degaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Marka,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu sigaar ah uga dhacay Xaafada Naftaa quur oo ka mid xaafadaha deegaanka Ceeljaale, halkaas oo uu ku sugan yahay Taliyaha 7-da Tuulo Cabdullaahi Macow iyo Xubno kale.

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Guutada 14-ka Octoober ee gacanta ku haaya Magaalada Marka ayaa sheegay in Ciidamada ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay ka dileen hal xubin kuwo kalena ay ka dhaawaceen.

Taliyaha ayaa sheegay iney markasta diyaar u yihiin iney ka hortagaan weerar kasta oo kaga yimaada Al-Shabaab, sidoo kalena ay fulin doonaan howlgallo kala duwan oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan degaannada u dhow dhow Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhanka kale Wararkii ugu dambeeyay ee saakay aan ka heleyno degaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Marka ayaa waxay sheegayaan in xaalada ay degan tahay, hayeeshee Ciidamada Millateriga Soomalaiya ay wadaan howlgallo kala duwna oo ay ku baadi goobayaan Xubnihii Al-Shabaab ee degaanka soo weeraray.