Sweden oo isbedel ku sameyneysa dhalashada dalkaasi.

Dowladda Sweden ayaa soo jeedisay hindise cusub oo lagu doonayo in wax looga badalo qodobka lagu qaato dhalashada.

Sanad kasta Sweden waxaa dhalashadda qaata 240.000 oo qof, sidaa daraadeed ayaa dowladu soo jeedisay in la adkeeyo sharuudaha lagu qaadanayo muwaadinimadda, waxaana la qiyaasaya in tiradaasi 40 000 hoos u dhacdo saddexda sanno ee soo socota.

Christina Höj Larsen oo ah xildhibaanad ka tirsan gudiga qaxootiga isla markaana ka mid ah xisbiga Vänsterpartiet-ka ayaa dhaleeceysay hindisahaasi dowladda soo jeedisay, waxaana ay sheegtay in uu yahay mid abuuraya faquuq.

Dalka Sweden ayaa inta badan ajaanibta ku qaataan muddo 5 sanno ah, mararka laga reebo dalal ay Soomaaliya ka mid ahay oo muwaadinootooda ku qaataan muddo 8 sanno ah. Sababo la xirrira iyadoo dowladda Sweden aan aqoonsaneyn dokomenti nooc kasta oo uu yahay iyo hey’addo ay ku kalsoon tahay oo cadeeyn kara muwaadinimada qofka soomaaliga ah.

Sweden ayaa sidoo kale horey u sheegtay in aan aqoonsaneyn baasaboor ka soo baxa wixii ka dambeeyey dowladdii dhexe. Waxaana ay carro badan ku abuurtay soomaalida Sweden, inkasta oo ay jiraan doodo la xirriira siddii arrinkaasi wax looga badali lahaa, haddana Sweden ayaan ilaa iyo iminka aqoonsaneyn baasaboorka iyo muwaadinimada Soomaaliya.

Ikraam Cali Kaar