Cali Mahdi ”Hadaan cadaalad waayo, waxa kaliya oo aan sameyn karaa Maxay tahay!!!…”

Cali Mahdi
Cali Mahdi Maxamed wuxuu shirkii Mudulood ka yiri ” Dowlad fiican oo caadil ah ayaan rabaa oo caddaalad dalka ku dhaqda, haddii la waayo qorigeyga caddaa weli xabadda lagama bixin”.

Dad badan ayaa ku mashquuley qoriga cad ee xabadda laga bixin ee Cali Mahdi sheegey laakiin wax weyn lagama soo qaadin dowlad caadil ah oo odayga sheegey in uu doonayo. Waxaase xaqiiq ah in hadii dowlad caddaalad dalka ku dhaqda la waayo in qof walba iyo beel walba qorigeeda caddeed la soo bixi doonto.

Soomaalidu iskuma dilin gabdho laysku diidey iyo geel la kala dhacey. Dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacey waxaa keeney caddaalad darro, xukunkii bulshada ka dhaxeeyey oo qof isku dhejiyey, dulmi iyo ku tumasho xaquuqda insaanka.

Mida ugu daran waxey ahayd awoodii dalka oo qof afgambi dalka ku qabsadey isku dhejiyey oo diidey in si nabad iyo doorasho ku dhisan xukunka ku wareejiyo. Xukunka oo laysku dhejiyaa sidiisaba wuxuu keenaa dagaal iyo dhiig daato.

Dowladdimadda Soomaaliya weli wey nugushahay, is aaminaad iyo kalsooni bulsho ma jirto. Beeluhu weli wey hubeysan yihiin, hub ka dhigis weli lagama sameeyn dalka. Cadli, sharci iyo in talada dalka oo laysla wadaago ayey ummadan ku wada joogi kartaa oo dowlad iyo qaran lagu ahaan karaa.

80 jir in qorigiisa caddaa dadka xasuusiyaa yaan lagu qasbin, ummaddana yaan dib loo celin.

Ilyas Mahmoud Hussein