Askari lagu qabtay Dagaalkii 1977 oo xabsiyada Itoobiya ku jiray 43 oo maanta Hargeysa soo gaadhay

Maxamed Askar Doonyo waxaa lagu qabtay Dagaalkii Soomaaliya Iyo Itoobiya  dhex-maray sanadkii  1977.
43 Sanno ayuu Xabsiyadda Dalka Itoobiya Ku jiray.
Maanta ayuu soo gaadhay magaalada Hargaysa, wuxuu la kulmay Hargeysa oo beddelan iyo Ummad xaqiiqdii ka tagtay oo Riwaayad isku maaweelinaysa, waxana u bilaabmay casharo cusub oo uu hargeisa ka baran doono.
halgamaa Maxamed Askar Doonyo waxa aan  maanta kula kulmay badhtamaha magaalada Hargeysa, isaga oo ay ka muuqato duruuf iyo dayac badan oo nololeed.
hadaba shacabka Somaliyeed ee uu usoo dagaalamay, waxa uu uga baahan yahay Kaalmo dhaqaale oo uu noloshiisa ku daryeelo maadama oo uu yimid magaalada Hargeysa oo ay adag tahay in uu ka helo dad uu garto
Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa
Mustaqbal17@gmail.com 
00252-63-4405388 Mobile