Taiwan oo ka gaabsatay inay ka hadlaan Somaliland oo sheegay inay isu diyaarinayaan inay aqoonsadaan Taiwan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan waxay ka gaabsatay inay ka hadlaan Warbixin ay Maamulka Somaliland ku sheegeeen inay u diyaar garoobayaan sidii ay u aqoonsan lahaayeen Jesiiradda Taiwan.

Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan, Joanne Ou ayaa sheegtay inaysan ka hadli Karin Warka lagu soo daabacay Shabakad Warbaahineed oo laga leeyahay Somaliland, taasi oo ilo aysan shaacinin ka soo xigatay inay Somaliland isku diyaarinayso Aqoonsiga Taiwan.

Waxay intaasi ku dartay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan iyo Hay’addaha Dowladda Somaliland oo ay ku jirto Wasaaradda Arrimaha Dibedda sii wadaan inay ka wada xaajoodaan Isdhaafsiga Xafiisyada Wakiilladda iyo Qorshaha Iskaashiga ee Mustaqbalka oo asaas loogu dhigayo Macaash-wadaag iyo Isdhaafsi.

Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan, Joanne Ou waxay ka jawaabaysay War lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee Somaliland Chronicle oo lagu sheegay inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Talo ku bixiyey in laga shaqeeya sida ugu suurtogalsan inay Somaliland Aqoonsi is-dhaafsadaan Jesiiradda Taiwan iyo inay noqdo Saaxiibo isku dhow.

Shabakadda waxay Ilo-wareedyo aysan carabaabin ka soo xigatay inuu Madaxweyne Biixi isku miisaamayo Faa’idaama Khasaaraha ee Is-aqoonsiga Labada dhinac.

Bishii la soo dhaafay ee July 1-dii waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Taiwan, Joseph Wu shaaciyey inay Taiwan iyo Somaliland kala saxiixdeen Heshiis bishii Feberaayo ee sanadkan, si ay Xafiisyo Wakiilo uga furtaan labada Caasimad ee Somaliland iyo Taiwan (Hargeysa iyo Taipei).

Somaliland iyo Taiwan oo iyagu aan weli helin Ictiraaf Caalami ah waxay mar hore magacaabeen Saraakiisha labada dhinac ee madaxda ka noqonayo Xafiisyadaasi, inkastoo aan la shaacinin Taariikhda rasmiga ee la furi doono Xafiisyadaasi.

Tallaabada ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan kaga gaabsatay inay ka hadlaan suurtogalnimada Somaliland ee Aqoonsiga Taiwan ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay Dowladaha Somalia iyo Shiinaha cambaareeyeen Heshiiska Somaliland iyo Taiwan, iyadoo Somaliland weli ka mid tahay Somalia, halka ay Jesiiradda Taiwan qeyb ka tahay xuduudaha Dal-weynaha Shiinaha.

Inkastoo aan Somaliland la aqoonsanin haddana waxay Xafiisyo Wakiil ku leeyihiin in ka badan 20-Waddan, halak Jesiiradda Taiwan ay Xafiisyo Diplomaasiyadeed iyo kuwo Dhaqan-dhaqaale ku leeyihiin in ka badan 50 Waddan.

Si kastaba ha ahaatee, Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Somalia, Qin Jian waxa uu dhawaan booqasho ku tegay Hargeysa, isagoo kulan la qaatay Madaxweyne Biixi iyo Sarakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maamulkaasi.

Xigasho: focustaiwan.tw