Diyaarad Xamuul oo ay leeyihiin Milliteriga Kenya oo ku burburtay Deegaanka Dhoobley.

Wararka naga soo gaarayo Degmadda Dhoobley ee Gobalka J/Hoose waxay xaqiijinayaan inay Diyaarad Xamuul oo ay Milliteriga Kenya lahaayeen ku burburtay Garoon Diyaaradeed oo ay AMISOM ku leedahay Dhoobley.

Diyaaradaasi ayaa la sehegay inay xalay ku dhacday Garoonkaasi, iyadoo uu Duuliyihii geeriyooday, halka 3 kalena ku dhaawacmeen oo Diyaaradda la socday.

Ma kala cadda sababaha rasmiga ee dhaliyey Shilkaasi, waxaana socda Baaritaano dheeraad ah.

Saraakiisha AMISOM ayaa la sheegay inay isku gedaameen Garoonka ay Diyaaradda ku burburtay.

Ilo-wareedyo ayaa sheegayo inay Diyaaradaasi si joogto ah maalin kasta ugu soo degi jirtay Garoonka AMISOM ee ku yaalla Degmadda Dhoobley oo u dhow xuduudka Kenya.

Diyaaradaasi waxay Sahay iyo Adeegyo Milliteri si joogto ah ugu soo daad-gureyn jirtay Ciiddanka Kenya ee ku sugan Dhoobley, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM.