WAR CUSUB: Puntland oo sheegtay inaysan aqoonsan doonin ra’iisal Wasaaraha laga soo magacaabayo Villa Somalia

Madaxtooyada Dowlad goboleedka Puntland qoraal ka soo baxay ayaa looga mowqifka maamulkaasi ee ku saabsan ra’iisal wasaaraha cusub, waxayna si cad u sheegtay inaysan aqoonsan doonin shaqsi aan ku imaan wada tashi.

Qaar ka mid ah qodobo lagu xusay qoraalka dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in tallaabada la tashi la’aan ah dhaawaceyso hannaanka federaalka ah ee dalka ka hirgalay.

Dhinaca kale dowlad goboleedka  Puntland qoraalka ka soo baxay ayaan la ogeyn jawaabta ay ka bixineyso dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya oo horay muddo badan kala dhaxeeyay khilaafyo soo noqnoqday.