Waa maxay doorka machadka Heritage ee Soomaaliya?

Hurintage waa hay’ad sifo qarsoon oo aan u muuqan karin leh inta aan aqoonta iyo waayo aragnimadoodu yar tahay. waana aalad si weyn loo soo agaasimay si ay u fuliso arimo loo soo xilsaaray. kuwaa oo la doonayo in Dalkeena Soomaaliya laga fuliyo.

Waa maxay wejiga koowaad ee muhiimka u ah howlahooda. taa ayaa ah mid si balaaran in loo ogaado ay tahay. si looga fuliyo arimahan waxaa lagu daboolaa Shirar iyo dood cilmiyeedyo hal dhinac u socda aalaaba. dadka ka soo qeyb galana ay intooda badan (shaqsiyaad) yihiin isku mid ah ama soo noqnoqda.

Hambaabulka arimaha qaar ku qarsoon ayaa ah in dadka doodahooda ku soo noqnoqonaya ay yihiin tool ama aalad loo adeegsanayo fulinta tilmaamaha bartilmaadka u ah Hurintage. maxaa ka mid ah habraaca qorshahan. waa in la abuuro xaalad siyaasadeed cakiran oo uu dalku lugaha kala bixi waayo. kala shaki gelinta qeybaha siyaasada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Fulinta qorshahan maldahan waxaa ka mid ah bayaano ay ku sheegaan xog uruurin ama daraasad ay soo bandhigeyso oo ku saabsan xaalada Siyaasadeed ee Dalka.

Dib u milicso qoraaladii ay soo bandhigeen iyo qalalaasahii siyaasadeed ee ka aloosmay, micno ma sameyneyso in aan maalin walba daawano filim aktarkisu humaag qarsoon yahay. balse jilaayasha muuqdaahi diirka inaga leeyihiin.

Waxaa qoray: Cabdirashid Cabdulle Abiikar (DeelDeyl)