Shirweyne Beesha Mudulood oo saacad ka hor uga furmay Mowlaca Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa goor dhow gaaray Xarunta Mowlaca Macalin Nuur ka furmay shirwayne ay isugu imaadeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaarihii hore, Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo duubabka dhaqanka, kuwaasoo ka qeyb galaya shirweynaha Wadatashiga Beelweynta Mudullood oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa looga hadlayaa Misiirka Beelweynta Mudulood ee Hogaanka Dowladnimada Soomaaliya,waxanaa la shegay in khudbado halkaasi ay ka soo jeedin doonaan Madaxdii hore ee Beesha Mudulood u soo qabatay xukunka dalka.

Waxaana la filayaa in gabagabada shirka laga soo saaro Warmurtiyeed wax ku ool u noqda misiirka iyo aayaha Beelweynta Mudulood.