Shirka Wada-tashiga Beelaha Mundullood oo ay ka hadleen Madax kala duwan. +Sawirro

Shirka Wada-tashiga ee Beelaha Mundullood ayaa waxa uu Barqanimadii maanta ka furmay Mowlaca Macallim Nuur Maxamed Siyaad ee Xaafadda Siigaal ee Degmadda Hodan ee magaalladda Muqdisho.

Madaxweynayaal hore, Siyaasiyiin, Wasiiro, Xildhibaano, Aqoonyahano, Waxgarad, Culumaa’udiin iyo xubno ka tirsan Ururrada Bulshadda ee Beelaha Mundullood ayaana ka qeyb galaya Shirkaasi oo socon doona muddo 3 maalmood.

Sida laga soo xigtay Xoghaynta Shirkaasi waxaa Kulankaasi looga xaajoon doonaa Xaalladaha ka jira dalka, Arrimaha Siyaasadda, Ammaanka, Bulsho iyo Ajendayaal kale oo ku aadan Danaha Guud iyo Aayaha ee Beelaha Mundullood.

Kulankaasi oo kun qof lagu casuumay ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Khilaafyo Siyaasadeed jiraan, isla markaana aan weli la taaba-gelinin Maqaamka Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Munaasabadda Furitaanka Shirka Beesha Mundullood waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaashii hore ee dalka (Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Cali Mahdi), Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka, Cali Maxamed Geeddi, waxaana lagu casuumay Madaxweynaha Hirshabelle, Maxmed Cabid Waare, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Hoggaamiye-dhaqameedyo ka socday qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed.