Qiso Cajiib ah: Gabar 8-jirkeeda ku xifdisay Qr’aanka Kariimka oo Calamka ka yaabsatay.

Maryam Mascuud waa 14 jir ku dhalatay Maraykanka. Qoyskeedu wuxuu kasoo jeedaa Bangaaladheesh. 8 jir ayay Quraanka ku xafidday.
Waa xiddig caan ka ah YouTube. Waxaa casharradeeda iyo muuqallada ay soo dhigto si toos ugu xiran hal milyan oo qof ka badan. Hooyadeed ayaa macallin u ahayd oo wax bartay.
Waxay carruurta bartaa Qur’aanka, adkaarta iyo anaashiidda. In badan oo ka mid ah Malyanka ku xiran waxay xumbo kasii yihiin barnaamijyo gaar ah oo ay bil walba lacag ku bixiyaan. $3-$7 ayaa ardaykiiba uu Online ku bixiyaa iyagoo dunida geesaheeda kala joogo.
Lacagta badan ee halkaas kasoo gasho ayaa qoyska ka kaafisay inay shaqo kale qabtaan. Aabbaheed oo ahaa naqshadeeye software hadda iyada ayuu u shaqeeyaa. Walaasheed ka weyn iyada ayay camera qaade u tahay. Hooyadeed waa macallimaddeeda.
Gabar ugu yarna iyadaa tababar siiso oo hadda oo ay jirto 4 sano kaliya Qur’aanka in badan ayay ka xafidday barnaamijyadana way kala qayb gashaa.
Maryam, duco ha iiga dhacdee, waxaa i bartay Bahja oo aan anigu dhalay. Ilaahay ha barakeeyee waxay carruurteenna bartay in ay caan noqon karaan oo ay lacag samayn karaan iyagoo diintooda haysta oo ku dhaqmaya.
Maryan waxay waaliddiinta bartay in aan faqriga looga bixin kaliya barashada caafimaad iyo Injinneerin. Waxay nagu leedahay carruurta bara diintooda oo ku barbaarsha Eebbe ayaa irsaaqiye!
Maryan hooyadeed waxay na tustay muhiimmadda ay leedahay hooyada Qur’aanka taqaan iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in gabdhaha waxbarashadooda dadaal gooni ah la galiyo.
Xigasho: Ibrahim Aden Shire
Image may contain: 1 person, closeup
<img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
<img class=”j1lvzwm4″ src=”data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
Abshir Ali Warsame Abshir, Abdullahi Abdi Igal and 25 others
7 Comments
4 Shares
Like
Comment
Share