Madaxweyne Museveni oo Taliye cusub u soo magacaabay Ciiddankiisa jooga Somalia.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni waxa uu isku shaandhayn ku sameeyey 29 Sarkaal oo ka tirsan Saraakiisha Sare ee Ciiddanka Difaaca dalkiisa ee UPDF.

Wareegtada Madaxweyne Museveni soo saaray waxaa uu saamayn ku yeeshay Taliyihii Ciiddanka Uganda ka joogay dalka Somalia iyo Afhayeenkii Guud ee Ciiddanka Uganda ee UPDF.

Taliyaha Cusub ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxaa loo soo magacaabay Sarreeye Gaas Don William Nabasa oo horey u ahaa Taliyaha Taliska Ciiddanka Khaaska Uganda ee Special Forces Commad (SFC) tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii.

Taliyaha Cusub ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM waxa uu Ciiddanka Uganda ku soo biiray sanadkii 1998-dii, wuxuuna Xilal kala duwan ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Ciiddanka.

Waxa uu soo qaatay Tababar Ciiddanka Lugta ama Infantariga,wuxuuna soo noqday Taliyaha Qeybta Taangiyada ee Ciiddanka UPDF muddadii u dhexeysay sanadihii 2000 ilaa 2007-dii, kadibna waxa uu noqday Taliye Koox ka tirsan Ciiddanka muddadii u dhexeysay sanadihii 2012-kii ilaa 2016-kii.

Taliyaha Cusub ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Gaas Gaas Don William Nabasa waxa la sheegay inuu dhawaan ku ku soo wajahan yahay dalka Somalia, si uu Xilka ugala wareego Taliyaha Ciiddanka Uganda ee xilka ka sii degayo.

Taliyahaasi waxa uu soo dhamaystay Tababar hal sano ah oo uu ku soo qaatay Kulliyadda Difaaca Qaranka ee dalka Shiinaha.