Madaxweyne Muuse Biixi oo Walaac ka muujiyey khatarta Mukhaadaraadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland ay dhibaatada kaga bixi karto iskaashi iyo isu tanaasul dhammaystiran.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidaasi ku sheegay khudbad uu jeediyey maalintii Ciidal-adxa, waxaanu tilmaamay in dalku wax ku noqon karo marka shacabku is kaashadaan oo ay u midoobaan dhibaato kasta oo hor taalla.

Madaxweynuhu waxa uu walaac ka muujiyey khatarta Maandooriyeyaasha halista ahi ku hayaan amniga iyo mustaqbalka dalka, isagoo xusay in ay dhibaatadaasi curyaaminayso mustaqbalka dalka iyo dadka.

“Somaliland oo dhammi marka ay isku darsanto ee ay waxeeda isu geyso ayey adduunka wax ka noqonaysaa, markaa waxan leeyahay dadku ha is kaashado, si aynnu uga baxno dhibaatooyinka jira.”

Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku taliyey in shacbigu kala shaqeeyaan Ciidanka nabad-gelyada dagaalka lagula jiro mukhaadaraadka.

“waxa inagusoo batay maandooriyayaashii, umadd mandooriye lagu saliday oo ubadkeedi soo kacay lagu talaalayna sannadaha soo socda tamar yeelan mayso, wuu dhaafay magaalooyinkii mandooriyuhu oo wuxu tegay goboladii iyo degmooyinkii kuma joojin karno ciidanka booliska oo maalin walba quraarad khamri ah ama xashiid eryanaaya. Hadii aynaan meel ugasoo wada jeesan waa aafo weyn oo mustaqbalkeena baabinaysa haddaan maandooriyaha si cilmiyana loola dagaalamin mustqabalkeenu khatar ayuu ku jira” ayuu yidhi

Dhawaan ayey ahayd markii ay Ciidanka Boolisku soo bandhigeen bushqado Xashiish ah oo dalka lagu beerayo, iyadoo ay bil walbana soo bandhigaan Khamri iyo mukhaadaraad kale oo lagu qabtay iyadoo dalka la soo gelinayo amma lagu dhex iibinayo.