Kooxo Hubaysan oo xalay dilay G/Xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda ee Degmadda Wanle-weyn

Koox hubeysan ayaa waxay Fiidnimadii xalay weerar ku ekeysiiyeen Hoyga uu degganaa G/Xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda ee Degmadda Wanle-weyn ee Gobalka Sh/Hoose.

Weerarkaasi oo ku bilowday Tacshiirad iyo Qaraxyo ayaa waxaa la soo weriyey in lagu dilay Mas’uulkaasi oo lagu magacaabi jirey Maxamed C/llaahi Koosta, halka Xaaskiisa iyo Aabihiisa soo gaaray dhaawcayo culus, sida ay xaqiijiyeen Maamulka Degmadaasi.

Weli ma kala cadda Kooxdii ka dambaysay weerarkaasi, waxayna Booliska Wanle-weyn sheegay inay wadaan Baaritaano ku aadan weerarka lagu dilay G/Xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda ee Degmaddaasi, Maxamed Koosta.

Degmadda W/weyn waxaa bilooyinkii u dambeeyey ka jiray dagaal-beeleedyo saamayn ku yeeshay Amniga Guud ee Degmadaasi, inkastoo Ciiddamo ka socda DFS iyo DF K/Galbeed ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha Degmadaasi oo masaafo ahaan 90-KM dhanka W/galbeed kaga toosan magaalladda Muqdisho.