Duulimaadyada Caalamiga oo maanta si rasmi ah dib u bilaabanaya.

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada xilka siihaya ee Soomaaliya 30-kii Bishii la soo dhaafay ee july ee sanadkaan waxaa ay ku dhawaaqeen in dib loo furayo duulimaadyada Caalamiga ah oo dowladda u joojisay ka hortegida faafitaanka Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya.

Dowladda ayaa Duulimaadyada Caalamiga ah waxaa ay joojisay 16-kii Bishii Maarso ee sanadkaan, kadib markii kiisaska Cudurka Coronavirus laga helay dalka,waxaana xigtay in 28-kii isla Bishaas la joojiyay duulimaadyada Gudaha Soomaalya walow dhawaan dib loo furay.

Maanta oo Isniin ah kuna beegan 3-da Bisha Agoosto ayaa dowladda horay u shaacisay in dib loo furayo duulimaadyada Caalamiga ah,waxaana Maanta la filayaa in ay si toos ah u bilaawdaan diyaaradaha imaan jiray Soomaaliya iyo kuwa ka bixi jiray.

Qoraal ay soo saartay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dadka dalka soo galaya laga doonayo inay haystaan shahaado caafimaad oo muujineysa inay iska baareen cudurka COVID-19, lagana waayey.

Dhanka kale Intii ay xirnaayeen duulimaadyada Caalamiga ah ayaa waxaa ka dhashay saameyn dhaqaale iyo mid Bulsho,waxana Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya uu sheegay in dhaqaalo farabadan ay ku weysay dowladda Soomaaliya o