Darawal Mooto Bajaaj oo lagu Gowracay Magaalada Beled-weyne ee Gobolka Hiiraan.

Allaha U Naxariistee Marxuum la oran jirey Caydaruus Calawe Siyaad oo ka mid ah Dhallinyarada Mooto Bajaajta kaga shaqeysta magaalladda Beled-weyne ayaa la gawracay, sida ay Ilo Xogogaal ah u sheegeen Radio Rugsan.

Marxuumka ayaa la sheegay inay kooxo aan la aqoonin ku gawraceen Xaafadda Buundo-weyne oo ka tirsan magaalladaasi, iyadoo dadka Reer Beled-weyne ka argagaxeen dhacdadaasi.

Hay’adaha Ammaanka Gobalka Hiiraan iyo Maamulka Beled-weyne weli kama aysan hadlin dhacdadaasi, balse, qaar ka mid ah Ehelka Marxuumka ayaa sheegay inaysan ogeyn sababta loo dilay Wiilkooda oo Dareewal Bajaaj ahaa.

Dilka Marxuumka ayaa waxa uu ku soo beegmay, maalmo kadib, markii ay Kooxo aan la aqoonsanin ay Kufsi iyo dil u geysteen Haweeney ku sugnayd isla Xaafadda Buunda-weyn oo ka tirsan Beled-weyne.