Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta u codeyn doona Muddo-xilleedka Guddiga Xuduudaha & Federalka

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS ayaa la filayaa inay maanta Kulankoodii caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee magaalladda Muqdisho.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xildhibaanadda maanta ka doodaan dhowr Ajendo oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah:

  • Dib-u-eegista Miisaaniyadda Qaranka ee sanadkan 2020-ka,
  • Wax-ka-bedelka Sharciga ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federalka.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS waxa u qorsheysan inay ka doodaan, kadibna u codeeyaan Xilli-kordhinta shaqo ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federalka.

Dhinaca kale, Fariimo SMS oo xalay loo kala diray Xildhibaananadda Golahaasi ayaa la faray inay ka soo qeyb galaan Kulankooda caadiga ee maanta ka dhici doona Villa Hargeysa.

Dhanka kale ma kala cadda inay Guddoonka Sare ee Golaha Shacabka ee BFS wax ka bedeli doonaan Ajendayaasha Maanta iyo in kale, maadaama ay Xildhibaanadda badankooda sas ka qaadeen Kulankii Xildhibaanadda yeesheen bishii la soo dhaafay ee July 25-dii, ee lagu kediyey Bedelkii Ajendihii loo ballansanaa ay Guddoonka Sare ee Golahaasi ku dhawaaqeen in Kalsoonida lagala laabtay RW hore, Xasan Cali Kheyre.