Mdaxweyne Deni oo soo bandhigay qorsho cusub oo uu kala hortagayo shirka Dhuusamareeb.

15-ka Bishaan ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ay kulan looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ku yeeshaan Madaxda Sare ee Dowladda & Dowlad Goboleedyada,waxaana Puntland ay sheegtay in shirkaasi ay la tageyso qorshooyin Cusub.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo qabsmoomida shirkaas,isla markaana dadka iyo dalka Soomaaliya wayaabo dan u ah ay ka soo bixi doonaan.

Dhanka kale wuxuu sheegay in shirarkii horay uga dhacay Dhuusamareeb ay la tageen wanaag, hayeeshee shirka soo socda ay la tegi doonaan la xisaabtanka Madaxda Sare ee Dowladda maadaama sida uu sheegay in Madaxda Sare ay ka baxeen wayxaabo ay ku heshiiyeen.