Ciidanka Kumaandooska ee Danab oo Howlgal ku dilay Horjooge ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkani oo ahaa mid lagu bur-burinayay meelo ay ku dhuumaaleeysanayeen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab ayaa ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab waxeey ka fuliyeen degaanka Koban oo hoostaga degmada jamaame ee gobolka jubada hoose.

Howlgalka ayaa ciidanka waxeey kudileen horjoogihii argagixisada uqaabilsanaa maaliyada gobolka jubada hoose kaasi oo lagu  magacaabo Cali Garwayne iyo afar maleeshiyaad oo ilaalo u ahaa sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Taliyaha ayaa sidookale tilmaamay in ciidanka sidookale ay wadada udhexeeysa jamaame iyo kismaayo  kasoo saareen miinooyin ay wada galiyeen maleeshiyaadka al-shabaab kuwaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka isticmaala wadadaasi.

G/le Ismaaciil ayaa sheegay in howlgalka bur-burinta uu socda islamarkaasna ujeedkiisu yahay sidii loo ciribtirilahaa maleeshiyaadka ragagixisada al-shabaab.