Guoomiyaha G/Banaadir:”Waxaa jira dad lidi ku ah ammaanka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir..”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ayaa sheegay in Amniga Guud ee dalka uu yahay mas’uuliyad wadareed looga baahan yahay qof walba oo Soomaali ah.

Duqa Muqdisho oo ka hadlay kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in Kaaraan ay tahay degmo baaxad weyn, hayeeshee Shaqsiyaad dano gaar ah leh ay lidi ku yihiin Amniga degmadaas.

Cumar Finish waxaa uu sheegay si looga gudbo amni darrada kajirta degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir in Bulshada la yimaadaan aragti lagu sugi karo amniga iyo in ay siwadajir ah uga qeyb qaataan ka hortagga Amni darrada ka geysanaya degmada Kaaraan.

Isaga oo hadlayo ayuu sheegay in aan cidna laga aqbali doonin Khal-khal galinta degmada isaga oo dalbaday iskaasi bulsho oo lagu hormarino degmada.

Dhanka kale  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu daba socdaa, kadib markii Amni darro baahsan ay ka dhacday degmada Kaaraan, isla markaana dadka Shacabka ah ay cabasho u soo gudbiyeen Maamulka Gobolka Banaadir sida uu sheegay.