Dowladaha Carabta oo ku kala aragti duwan in Salaadda Ciiddul-Adxa lagu tukan karo Masaajidda iyo Barxadaha.

Xilli qabanqaabadii ugu dambeysay loogu jiro Munaasabadda mid ka mid ah Maalmaha Ciidda ee u khaaska ah Jamaahiirta Muslimiinta Caalamka oo ku beegan maalinta berrito ee Jimcahaa ayaa waxay 22-ka Dowladaha Carbeed ku kala Aragti duwan yihiin in Salaadda Ciiddul-Adxaha lagu tukan doono Masaajida iyo Barxadaha waa weyn ee Danta Guud  iyo in kale.

Dowladda Somalia iyo 6 Dowlado Carbeed ayaan weli iclaaminin Go’aankooda ku aadan in Salaadda Ciiddul Adxa jameeco ahaan loogu tukan doono Masaajidda iyo Barxadaha Caamka ah iyo in kale.

Dowladaha aan weli go’aan ka gaarin Arrintaasi ayaa kala ah Somalia, Jabuuti, Yemen, Libiya, Tunisia, Murutaaniya iyo Jesiiradaha Komoros.

Dowlado kale ee Carbeed oo tiradooda dhan tahay 8 Waddan ayaa waxay iyagana gebi ahaan mamnuuceen in Salaadda Ciidul-Adxa ee sanadkan lagu tukado Masaajida iyo Barxadaha kale, waxayna kala yihiin: Masar, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Algeria, Syria, Iraq, Morooko iyo Saldanada Cumaan.

Dhinaca kale, 7 Dowlado Carbeed ayaa waxay iyagana si guud iyo qeyb-qeyb ahaan Salaadda Ciidda loogu tukan doono Masaajidda iyo Barxadaha, waxayna Dowladahaasi kala yihiin: Sacuudiga, Sudan, Qatar, Urdun, Kuweyt, Lubnaan iyo Falastiin.

Si kastaba ha ahaatee, Mowqifyada kala duwan ee ay Dowladdaha Carbeed ka qaateen Nidaamka Salaadda Ciiddul-Adxa ee loo daal-degi doono maalinta Jimcaha ee soo socota waxay sal uga dhigeen si looga gaashaanto Cabsida laga qabo inuu sii faafo Cuddurka Laayanka Covid 19 ee Khatarta ku haya Nolosha dadyowga Caalamka, iyadoo  aad loo adkeeyey dadaalka looga hortagayo Faafista Xanuunkaasi.