Dhacdo Yaab leh: Nin sheegtay Nebinimo oo lagu dhex dilay Maxkamad Bakistaan ku taala.

Dhacdo Yaab leh: Nin sheegtay Nebinimo oo lagu dhex dilay Maxkamad Bakistaan ku taala.
Saraakiisha Boliska dalka Pakistan waxay xaqiijiyeen in Nin aflagaadeeyey Diinta Islaamka, sheegtayna inuu Nebi yahay lagu dhex dilay Qolka Maxkamad ku taalla magaalladda Peshawar ee W/Galbeed ee dalkaasi.

Eedeysanahaasi oo lagu magacaabi jirey Daahir Shamiim Axmed Nasiim waxaa la toogtay 6 jeer, xilli ay socotay dhegeysiga Kiiska loo haystay.

Eedeysanaha aflagaadada u geystay Islaamka ee la dilay waxa uu Xabsiga ku jiray tan iyo sanadkii 2018-kii.

Dhinaca kale, Booliska waxay sheegeen in la qabtay qofkii toogtay Eedeysanaha aflagaadada u geystay Islaamka, waxaana magaciisa lagu soo koobay Khaalid, kaasi oo la sheegay inuu Arday ahaa.

Waxaa la baarayaa qaabka aan la caddaynin ee uu Khaalid Qori AK 47 la soo galay dhismaha Maxkamadda Peshawar, xilli aad lo oadkeeyey Ammaanka.

Muuqaal la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa lagu arkayey iyadoo uu Khaalid ku qeylinayey in Ninka uu dilay uu ahaa Caddowga Islaamka.

Tan iyo sanadkii 1990-kii, ugu yaraan 77 qof oo lagu eedeynayey inay Aflagaadeeyeen Diinta Islaamka ayaa lagu dilay dalka Pakistan.