Amnesty oo sheegtay in xukunka wariye Gurbiye ay tahay mid lagu cabsi gelinaayo Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa si kulul u cambaareysay xukunka lagu ridday wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye, tifaftiraha iyo agaasime ku xigeenka warbaahinta Goobjoog.

Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee qeybta hay’adda bariga qaaradda Afrika ayaa xukunka ay shalay ridday maxkamadda gobolka Banaadir lagu tilmaamay “mid looga been-sheegay hanaanka cadaaladda, Kiiska waa la siyaasadeeyay, wuxuuna fariin cabsi leh u dirayaa wariyeyaasha iyo dadka kale ee dhaleeceeya mas’uuliyiinta aan u dulqaadan kala aragti-duwanaanta,” ayaa lagu yiri qoraalka Amnesty.

Cabdicasiis Gurbiye oo sidoo kale lagu xukumay in uu bixiyo shan milyan oo lacagta Soomaaliya ah una dhiganta laba boqol oo Doolar ayaa fursad u haysta in uu iibsado xukunka jeelka, wallow aan la muddeyn.

Saxafiga bishii April waxaa lagu xiray saldhiga degmadda Hodan. Qabashadiisa waxay timid markii uu Facebook ku qoray in madaxweyne Farmaajo “xaday” qalabka neefta siiya bukaanada Covid-19.

Warbaahinta uu ka tirsan yahay ee Goobjoog ayaa warisay in loo beegsaday in uu ka waramay qaabka dowladda u maareysay safmareenka dilaaga ah, kaasoo kumanaan ruux ku dhacay gudaha dalka.

Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo war qoraal ah soo saarey ayaa si kulul u cambaareeyay “xariga sharci darrada ah ee lagu riday Wariye Cabdicasiis Gurbiye tafaftiraha Goobjoog”.

Waxaa la raaciyey: “Maxkamadda ayaa horay uga diiday Cabdicasiis inuu wax qoro Afar Bilood oo banaanka uu ku joogay damiin, waxeyna nagu noqotay lama filaan in xeerka ciqaabta Soomaaliyeed loo adeegsado kiiska Wariyaha oo aan ka dignay dhowr jeer in maanta Lix bil oo xabsi ah lagu xukumay ma ahan wax la aqbali karo”.

Ururada warbaahinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka dalka ayaa cambaareeyay falkaan waxa ayn ku qeexeen mid lagu aamusinayo warbaahinta xorta ah ee ka howl gala caasimada iyo gobolada kale ee dalka.

Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed looga adeegsa karo wariyaha ayay ku doodeen Madaxda Ururda Warbaahinta dalka maadaama Madaxweynuhu saxiixay sharciga Saxaada dalka uu horyaalo madaxweynaha Jamhuuriyada dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.