Wadanka Itoobiya oo ka hadashay damaca Masar ay ku dooneyso saldhig…

Xukumadda Faderaalka Ethiopia waxa ay uga digtay Xukumadda Masar in Saldhig kasta oo Milliteri ka dhistaan Geeska Afrika uu khatar gelin doono Ammaanka Mandiqadda hodanka ah ee geeska Afrika.

Dina Mufti afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, oo la hadlay Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa uu Xukumadda Masar uga digay in ay dhistaan Saldhig Milliteri oo ka dhan ah Danaha Ethiopia.

Waxa uu intaasi ku daray inaan la oggolaan doonin Saldhiga Masar, haddii uusan khatar ku ahayn dal 3-aad ama Ammaanka Mandiqadda iyo Caalamka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Haddii ujeeddada Masar ay ku leedahay joogitaanka gobolka waxay qatar ku tahay waddan saddexaad, taasi ma haboona,” ayuu yiri.

Dina Mufti waxa kale oo uu gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in ay Xukumadda Ethiopia ka welwelsan tahay booqashadii ay Wafdiga Masaarida ku tageen Gobaladda Waqooyi, wuxuuna shaciyey inaysan jirin wax ay kaga walaacaan Qorshaha Masaarida.

Dal ahaan, Masar waxa ay xaq u leedahay in ay xiriir la sameyso gobolkasta oo ka mid ah gobolka” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Digniinta ka soo baxday Xukumadda Ethiopia ayaa timid dhowr maalmood kadib, markii ay Wafdi ka socda Masar ay booqdeen Gobaladda Waqooyi, iyagoo Kulamo Khaas ah la yeeshay Hogamiye Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan Wasiiradda arimaha dibada ee Maamulkaasi.

Wafdiga Masaarida iyo Hogamiye Biixi waxa ay ka wada xaajoodeen Codsiga Masaaridu ku doonayso in ay Saldhig Milliteri ka dhistaan Gobaladda Waqooyi oo iskeeda ugu dhawaaqday Dowlad ka madax bannaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhanka kale Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda ee dalka Ethiopia, Axmed Shide ayaa waxa uu Booqasho degdeg ah ku tegay Hargeysa, maalmo kadib, markii ay Wafdigii Masaarida ka baqooleen Gobaladda Waqooyi.

Mana kala cadda haddii uu Maamulka Gobaladda Waqooyi aqbaleen Codsigii Xukumadda Masar, balse, waxaa la sheegay inay labada dhinac ku heshiiyeen inay Xafiiyo Wakiilo heer sare ah ka kala furtaan magaallooyinka Qaahira iyo Hargeysa.

Xigasho: axadletimes.com