Shirkadda Diyaaradaha ee Emirates Airlines oo amar ku soo rogtay Dalal ay Soomaaliya ku jirto.

Shirkadda Diyaaradaha ee Emirates Airlines ayaa shaacisay in Dhoofayaasha ka kala imaanaya 29 Waddan oo ay Soomaali ku jirto la marsiin doono Baaritaano dheeraad ah ee cuddurka Laayaanka ee COVID 19-ka.

Qoraal ka soo baxay Shirkadda Emirates Airlines ayaa waxaa lagu xusay in Dhoofayaasha Soomaalida iyo kuwo kale la baari doono labo jeer, xitaa haddii ay wataan Waraaqaha Caddaynta inaysan qabin Coronavirus.

Shirkada Emirate Airlines waxay kaloo tilmaamtay in dhamaan Rakaabka ka imaanayo dalalkaasi waajib ku tahay inay Baaritaano maraan, marka ay ka soo degaan Garoomada Caalamiga ee dalkaasi, gaar ahaan Garoomada Dubai International Airport iyo Al Maktoum International Airport.

Go’aankaasi oo la sheegay inuu dhaqan geli doono bisha soo socota ee August Kowdeeda oo ku beegan maalinta Sabtida ee soo socoto.

Dhinaca kale, Liiska 29-ka Waddan ee ay ka soo kala jeedaan Dhoofayaasha uu saamaynayo Baaritaanadda ay Shirkadda Emirate Airlines ku soo rogtay ayaa waxaa ka mid ah: Somalia, Jabuuti, Sudan, Masar, Eritrea, Tanzania, Afghanistan, Armenia, Brazil, Bangladesh, India, Indonesia, Iran, Iraq, Nigeria, Pakistan, Lubnaan, Raashiya, Serbia, South Africa, Tajakistaan, Kazaakhistaan, Filibiin iyo Siri Lanka.