Maxkamad xukun ku riday Muwaadin Somali-Swedish oo lagu soo eedeeyay Kufsi Hubeysan.

Maxkamad ku taalla magaalladda Norrköping ee Gobalka Östergötland ee Bariga dalka Sweden waxaa la soo taagay Muwaadin Somali oo magaciisa lagu soo koobay Ahmed M, kaasi oo lagu soo oogay inuu Kufsi hubeysan u geystay gabar yar bilowgii sanadkan 2020-ka.

Eedeysanaha oo dhalashada dalkaasi qaatay sanadkii 2014-kii waxaaa lagu xukumay 11-sano, kadib, markii lagu helay Fal-dembiyeedka Kufsiga.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda magaalladda Norrköping ee Gobalka Östergötland ee Bariga dalka Sweden waxaa kaloo lagu sheegay inuu Eedeysanaha oo ku hubeysnaa Tooreey uu gabadhaasi yar kufsaday bishii April 15-dii, xilli ay ka timid Iskuulka, kuna sii jeeday gurigooda, waa sida hadalka loo dhigay.

Wargeyska lagu magacaabo Nayheter Idag ee ka soo baxa Sweden ayaa qoray inuu Eedeysanaha ugu hanjabay Qoyska gabadha inuu dili doono gabadha haddii ay Boliska u gudbiyaan dacwad.

Eedeysanaha oo 39-jir ah ayaa waxaa kaloo la sheegay inay tahay markii 2-aad ee uu Fal Kufsi ah geysto, isagoo horey loogu soo oogay inuu kufsaday gabar yar oo 12-jir ah sanadkii 2017-kii, waa sida hadalka loo dhigay.