Cabsi mar kale soo wajahday dadkii ku barakacay fatahaadii Wabiga Shabeelle.

Muqdisho:-Saacadihii la soo dhaafay waxaa bilaawday cabsi xoogaan oo soo wajahay dadka ku haray degmada afgooye iyo deegaanada kale ee ku hareereysan,ka dib markii ay kordheen biyaha wabiga shabeelle oo horay ugu tatahay deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Nabadoon Ibrahim Kuuloow Axmed  oo ka mid ah dadka deegaanka oo la hadalay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in biyaha wabiga ay la socdaan xayawaano dad cun ah

Oo dhawaan la tilmaamay in ay cuneen gabar yar,wuxuuna intaa ku daray in sidoo kale laga cabsi qabaa inay ka dhashaan cuduro maadaama adeegyadii caafimaadka guud ahaan ay biyaha qaadeen biyaha.

“Waxaan ka cabsi qabnaa inay ka dhashaan cuduro ka dib markii dhammaan adeegyadii caafimaadka ay biyaha qaadeen waana dhibaayin nagu soo foodleh hase ahaatee waxaana u baahnahay in nagala soo gaaro ayuu yiri nabadoon Ibraahim Kuuloow.

Inta badan xaafadaha ay ka koobantahay Degmada Afgooye ayaa laga barakacay kaddib markii ay saameeyeen fatahaadaha wabiga shabeellle waxaana socda gurmad ay sameeynayaan dowlad goboleedka Koofur galbeed ,maamulka Gobolka iyo kan degmada oo wada qeylo dhaan iyo gurmad si wax looga qabto xaalada cakin ee ka taagan gobolka Shabeellha Hoose.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa iyane dhankeeda ku biirtay gurmadka dadka ka barakacay Afgoyee iyadoo lacag dhan 500,000 ama Nus bilyan ugu deeqday dadkaasi u baahanyahay gurmadka deg deg ah.