Odayaasha Gobolka Awdal oo Taageeray in Doorashooyinka Somaliland Waqtigooda la qabto

Xubno ka Mid ah Oday Dhaqameedka Goboladda Galbeedka Somaliland ayaa Cadeeyay inay si buuxda u Taageersan yihiin in Doorashooyinka Isku sidkan ee Golayaasha deegaanka iyo Wakiilladu ay ku dhacaan wakhtiga loogu talo galay iyagoo soo dhaweeyay Heshiiskii ay arrintaasi ka gaadheen Xisbiyadda qaranku.

Xubnahan Odayaasha ah oo Warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Boorama ayaa Tilmaamay in doorashooyinkani uu ku yimid dib u dhacyo badan isla markaana baahi weyn loo qabo sidii loo heli lahaa Golayaal cusub oo deegaan iyo Wakiillo oo ku yimaada codka rabitaanka bulshadda.

Waxay Oday dhaqameedyada Goboladda galbeedka Somaliland iftiimiyeen inay diyaar u yihiin in doorashadu ka qabsoonto Goboladda Awdal iyo Salal iyadoon wax shuruud ah lagu xidhin.

Odayaashan ayaa sheegay in arrinta Saami qaybsiga loo helo wakhti ku filan si tiro koob sugan oo lagu wada qanco looga fuliyo dhamaanba goboladda dalka.