Ma dhici kartaa nin garsoore maxkamadeed ka ahaa Soomaaliya ama xeer ilaaliye in uu kusime Ra’iise ka noqdo Itoobiya ?

Mahdi
Itoobiyaanka ma aamini lahaayeen ?. Xil iyo mas’uuliyad sidaa u culusna ma u dhiibi lahaayeen ?.

Kusimaha Ra’iise Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar ) wuxuu 1998- 1999 ahaa Xeer ilaaliya kiisaska ciqaabta ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya. Nofember 1999 ilaa 2001 wuxuu ahaa madaxa ciqaabta madaniga ee Killinka 5-aad. Wuxuu kaloo Itoobiya ka soo noqdey la taliye sharci iyo tababare sharci.

Nin xillalkaas ka soo qabtey Itoobiya weliba xilligii Meles Zanawi oo qof aan Tigreyga raali ka ahayn xil Itoobiya ka qaban karin sidee ku dhacdey in Soomaaliya ka noqdo Ra’iise Wasaare kuxigeen iyo kusime Ra’iise Wasaare ?. Sidee mas’uuliyadaas weyn loogu aaminey ?.

Iyada oo sidaas tahay ayuu maanta ka shaqeynayaa fidno iyo burburinta dowladnimadda Soomaaliya. Asaga oo sharci yaqaan ah ayuu difaacayaa qaabkii sharci darrada ahayd ee loo ceershey Ra’iise Wasaare Khayre.

Waa gartiis waa qof soo shaqa doontey. Doraad Xeer Ilaaliye ayuu Itoobiya ka ahaa. Shaleyna wuxuu xubin ka ahaa Xisbiga UCID ee Somaliland wuxuuna Xisbiga xubin ugu sii ahaa gudiga doorashooyinka ee Somaliland.

Maanta haddii Muqdisho dagaal iyo fowdo ka dhacdo diyaarad buu ka raacayaa wiil iyo gabar uu dhaley oo uu ka naxayo magaalada kuma noola. Berrina waxaa la arkayaa asagoo Itoobiya garsoore ka ah ama Somaliland siyaasi ka ah.

Inta dad noocan ah siyaasadda Soomaaliya hor boodayaan lagama yaabo in la helo dowlad xalaal ah oo sharci iyo nidaam ku dhisan. Qof soo shaqa doontey oo dal iyo dad wax uu ka naxaya jirin ma dhisi karaa qaran burburey oo isku keenis iyo dib u heshiisiin u baahan ?. Waa su’aal jawaab sugan u baahan.

Ilyas Mohamud Hussein