Shirkadda Telesom oo soo bandhigtay adeeg lagu cidhib-tirayo xadista Telefoonnada

Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa ku soo bandhigtay adeegyo kala duwan oo cusub bandhig-Carweed la xidhiidha arrimaha Tiknooliyada laga furay Magaaladan Hargeysa.
Adeegyadan oo la jaanqaadaya Tiknoolajiyada Casriga ah,waxa macaamiisha loogu sameeyey fursado ay uga faa’idaysanayaan, sida uu ka sheegay munaasibad lagu daah-furay Shirka Tiknooliyada Somaliland oo mar sii horaysay lagu qabtay Magaalada Hargeysa, Guddoomiyaha guud ee Shirkada TELESOM Cabdikariim Maxamed Iid.

xadista Mobilada ayaa ku  badan magaalada Hargeysa, hasa yeeshee Shirkada isgaadhsiinta ee Telesom ayaa dadka usoo kordhisay adeegan, dadweynaha magaalooyinka somaliland ayaa si fiican usoo dhaweeyay adeegan shacabka loo furay, waxanay sheegen in mobilo badan oo  laga xaday ay heleen,

farxada ka muuqata shacabka Somaliland ayaa ah mid aad u saraysa maadama ay ka raysteen in ay waayaan  mobilada laga qaado.

shirkada kale ee ka hawl gala Somaliland ayay ugu baaqen in ay iyana qaadaan talaabadan ay telesom qaaday.

Somaliweyn Media Center
Hargeisa, Office