Maraykanka oo ka hadlay Xil ka-qaadistii lagu sameeyay RW.Kheyre Digniina soo saaray.

Safaaradda Maraykanka ku leeyahay Somalia ayaa waxay Walaac xooggan ka muujisay Tallaabadii ay Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka ee BFS kala laabteen Codka Kalsoonida RW Xasan Cali Khetre iyo Xukuumadiisa.

Qoraal la soo dhigay Barta Twitterka ee Safaaradda Maraykanka ayaa lagu sheegay inuu Go’aankaasi sare u qaadi karto Xiisadaha Siyaasadda iyo inay xagal-daacinayso Horumarka socda ee Wada-xaajoodka u dhexeeya DFS, Dowlad-gobaleedyada qeybta ka ah Federalka iyo Daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in Hawlaha aan caadiga ahayn waxay dib-u-dhac weyn ku noqonaysaa Ajendaha Dib-u-habaynta Somalia ee ay Dowladda Maraykanka taageeraysay.

Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Maraykanka waxaa lagu muujiyey in Xasiloonida, Amniga iyo Barwaaqqad Somalia lagu dhisi karo oo keliya Wada-shaqeynta, Isku-xirnaanta iyo Isku-taansulka Hoggaamiyayaasha Soomaaliya, waxaana laga digay haddii ay Sahaqsiyaad ama Hay’ado isku isku dayaan inay u awood sheegtaan kuwa kale inay taasi waxyeelaynayso Xasiloonida dalka oo Dhan.

Dhinaca kale, Safaaradda Maraykanka waxay ku boorisay DF, Dowlad-gobaleedyada, Barlamaanka iyo dhamaan dhinacyada kale si wadajir ah uga shaqeeyaan Fulinta Heshiiskii lagu gaaray magaalladda Dhuusamareeb iyo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo ku saleysan wada-tashiyo mideysan oo lagu guuleysto.

Ugu dambeyntii, Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Maraykanka waxaa lagu xusay inay Dowladda Maraykanka tallaabo ka qaadi doonan Qas-wadayaasha doonaya inay waxyeeleeyaan Xasilloonida, Nabadda, Dowladnimada loo dhan yahay iyo Barwaaqaynta Somalia iyo inay Somalia u dhaqaaqdo jiho qaldan  waa sida hadalka loo dhigay.

Links: https://so.usembassy.gov/remarks-by-ambassador-donald-yamamoto-for-the-4th-of-july/