Dad Ka Bogsaday Xanuunnada Dhimirka Oo Ka Qalin-Jebiyey Xarunta SAHAN

Xaflad loo qabtay Dufcaddii 11-aad ee ka qalin-jebisa Cisbitaalka SAHAN ee Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay isla Xaruntaasi.

Xarunta SAHAN ayaa waxay fidisaa adeegyo Bulsho oo kala duwan, sida Daaweynta Xanuunnada dhimirka, waxbarashada aasaasiga ah iyo Culuumta Diiniga ah, Xirfadaha Dawaarka iyo Korontada.

xafladda 11-aad ee Xafladda loo sameeyay ayaa waxay barteen Xirfadda Dawaarka iyo Qur’aanka Kariimka iyo Culuum kale ee Diiniya.

Dadka Qalin-jebiyey ee Xafladda loo sameeyay ayaa markii hore Xarunta Sahan loo geeyay in lagaga daweeyo Xanuunka Dhimirka oo haleelay, balse markii ay Xanuunkaasi ka bogsadeen ayaa isla Xarunta SAHAN lagu baray Qur’aanka Kariimka iyo Xirfadaha Dawaarku ka mid yahay.

Munaasibadda Qalin-jabinta ayaa waxa ka qayb-galay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka ee Somaliland, agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Agaasimaha guud ee Wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha, Masuuliyiin ka socday Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Maamul-wanaagga, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro) iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.

Agaasimaha Xarunta Sahan Kayse Xasan Cumar oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Xarunta Sahan waa Cisbitaal ka shaqeeya Xanaanaynta Dadka qaba Xanuunada dhimirka, Dufcadda qalin-jabinaysaa waa tii 11-aad.”

Agaasimuhu wuxuu sheegay “Sahan waxay ka kooban tahay Qaybta Caafimaadka, Qaybta Jimicsiga, Waxbarashada iyo qaybo kale oo muhiim ah…” ayuu yidhi.

Madaxa Waaxda Waxbarashada ee Sahan oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Haddaan Macluumaad ka bixiyo habka wax loo baro, waa Qayb Shareecada Islaamka iyo qayb Farsamada Gacanta ah, waxa laga dhisaa qaybaha ay Shareecadu ka kooban tahay, sida Qur’aanka Kariimka oo aanu ugu talo-galay in Ardaydu bartaan Qur’aanka Karriimka, si ay Xarunta uga baxaan iyagoo Qur’aanka si fiican u bartay, waxa kale oo la baraa Axaadiista Nebiga CSW..”

Guddoomiyaha Xarunta SAHAN, ahna aasaasaha Xaruntaasi Bashiir Maxamed Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa u Mahad-naqay Wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaan Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka oo uu sheegay in markii laga soo noqday Xayiraadihii Xanuunka Karoona ay muddo 5 Maalmood gudohood ah ugu diyaarisay Shahaadooyinka Ardayda Qalin-jebisay.

Waxa kale oo uu u Mahad-celiyey Cid kasta oo kala qayb-qaata Dedaalkooda la xidhiidha daryeelka Dadka Dhimirka ka xanuunsanaya ee ku jira Xarunta SAHAN, isagoo si gaar ah u xusay Wasiirka Shaqo-gelinta oo uu sheegay inay dufcaddii 10-aad ee tan ka horraysay ay siisay Dawaarka “Sanadkii hore Wasiirka Shaqadu 13-kii Arday ee xilligaa qalin-jabiyey Qof kasta Dawaarbay siisay, way ku shaqaysteen oo shaqo abuur ayay u noqotay…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu bogaadiyey Guddoomiye ku-xigeenka Maamul-wanaagga “Guddoomiyaha Maamul-wanaaggu isagu meeshuu ka tirsan yahay, waa dhallinyarada firfircoon ee aadka noola dedaasha. Bani-aadamka Ilaahay Qof kastaaba wuxuu qabtay ayuun buu leeyahay, waxaanu ilaahay ka baryaynaa Qof kasta oo halkan hawl ka geysta in Miisaanka Xasanaadka Ilaahay ugu daro..” ayuu yidhi

Somaliweyn Media Center
Hargeisa,office