Waxan Madaxweyne Farmaajo ugu baaqaya in aanu dib usoo magacaabin Xildhibaan Cabdale Xaaji Cali

 

Cismaan Cabdilaahi Maxamed Qaalib  oo ka mid ah dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho, ee ka soo jeeda magaalada Berbera  ayaa maanta shir jaraa`id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho, waxa uu cambaarayn kulul u jeediyay Xildhibaan Cabdale Xaaji Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Dawlada Federaalka ee Somaliya, sido kalena ah wasiiru dawalaha  wasaarada Qorshaynta

Cismaan Qaalib waxa uu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in aanu golaha wasiirada ku soo darin Xildhibaan Cabdale Xaaji Cali  oo haatan ah buu yidhi wasiir ku xigeenka wasaarada Qorshaynta ee dawlada Federaalka ah.

Mr. cismaan Qaalib waxa uu xildhibaan Cabdale Xaaji Cali ku eedeeyay in uu dayacay Magaaladii laga soo doortay ee Berbera, waxa uu sheegay in Cabdale Xaaji Cali uu ku fadhiyo laba xil oo ay leeyihiin dadka ku nool magaalada Berbera kuwaas oo kala ah Xildhibaan iyo Wasiir.

Waxa uu ku eedeeyay Xildhibaan Cabdale Xaaji Cali, In uu dalka iskaga baxay isaga oo haya buu yidhi labadii xil ee uu ku matalayay dadka reer Berbera.

Waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi “  Mudo laba sano ah ayuu Xildhibaan Cabdale Xaaji Cali dalka ka maqan yahay Isaga oo jooga dalka Maraykanka oo uu reerkiisu degan yahay,  sido kale waxa uu hayaa xilka wasiir ku xigeenka wasaarada Qorshaynta,  waxa uu ka shaqaystaa wadanka Maraykanka, waxa uu ka doorbiday xilkii iyo masuuliyadii loo doortay in uu iska joogo dalka Maraykanka anigoo ku hadlaya maanta afka dadka reer Berbera waxa aan leeyahay mar dambe ma dooranayno Cabdale Xaaji Cali.  Waxa uu noqday nin aan ku xidhnayn bulshada Reer Berbera ee ku nool magaalada Muqdisho”

 

Mr. Cismaan Qaalib waxa uu sheegay in ay dhawaan shir qabsan doonaan bulshada reer Berbera ee ku nool magaalada Muqdisho, shirkaas oo ay kaga arrinsanayaan waxa ay ka yeelayaan Xildhibaan Cabdale Xaaji Cali isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “ dhawaan waxa aanu rabnaa in aanu shir ku qabsano magaalada Muqdisho, waanu u sheegnay dhamaan bulshada reer Berbera ee ku nool magaalada Muqdisho in ay shirkaasi ka soo qayb galaan oo ay hada socoto qaban qaabadiisii.  Shirkaasi waxa aanu kaga hadlaynaa sidii dadka reer Berbera ee ku nool magaalada Muqdisho ay u yeelan lahaayeen una samaysan lahaayeen gudi iyo hogaan ay kala xidhiidhaan arrimahooda”

Ugu dambayntii waxa uu Madaxweyne Farmaajo usoo jeediyay in aanu golaha wasiirada ku soo darin Xildhibaan Cabdale Xaaji Cali, waxa uu sido kale gudoonka golaha shacabka ugu baaqay in ay xasaanada ka qaadaan Xildhibaan Cabdale maadama oo uu gudan waayay xilkii loo igmaday, kana soo xaadiri waayay fadhiyadii Baarlamaanka.