Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta leh dood xasaasi ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 25/7/2020 waxay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta KMG Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Agendaha kulanka ayaa ah, Ka doodista Doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan dabayaaqada sannadkaan iyo billawga 2021-ka.

Xildhibaanannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan.