Ururka Midowga Afrika oo Baaq u jeediyey Hoggaamiyayaasha Soomaalida.

Guddiga Ururka Midowga Afrika waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan Shirkii u dhexeeyey Hoggaamiyayaasha DFS iyo Dowlad-gobaleedyada xubnaha ah Federalka ee ay dhaawaan ku yeesheen Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Qoraal la soo dhigay Bogga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika ayaa lagu xusay inay dhiiri-gelinayaan Hoggamiyayaasha Soomaalida dhismaha Guddiga Farsamada, si ay uga wada xaajoodaan Hababka Doorashooyinka dhici doona dabayaqaada sanadkan 2020-ka.

Guddiga Ururka Midowga Afrika waxay kaloo hoosta ka xariiqeen in dadaalka socda laga gaaro Heshiis Ballaaran oo Somalia dhabaha ugu xaarayo Mustaqbalka Somalia oo qeyb ka ah Aragtida Guud ee Hoggaamiyayaasha Soomaalida dhexdooda.

Dhinaca kale, Qoraalka ka soo baxay Guddiga Midowga Afrika waxaa rajo laga muujiyey guusha Geeddi-socodka haatan noqdo xalka lagu shaqeyn karo ee ballaarin karo sida ugu macquulsan ee Tirada Codbixiyayaasha.

Ugu dambeyntii, Guddiga Midowga Afrika waxay sheegeen in Wada-tashiyada lagu dhameeyo Waqti munaasab ah, sida uu dhigayo Dastuurka KMG ee Somalia.

Xigasho: peaceau.org